Funny Football Photo

Funny Football Photo

Tutorial video

Hacks

Monday, August 2, 2010

Sida lagu ogaado qofka Emailka kuu sood diray meesha uu joogo

Inta badan waxaa dhacda in aad wada hadashaan Email ahaan qof aaddan aqoon, waxaadse aad jeceshahay in aad ogaatid.
wadanka ama qaarada uu qofkaa ku noolyahay, sidaad la socotaan kumbuyuutarada aduunka oo dhan wey isku xiranyihiin,
taasoo kuu suurta gelinayso in aad muddo daqiiqad ka yar aad ku ogaatid Emailka halkuu ka yimid.
waxaad ku arki doontaan casharkaan sida ugu fudud ee loo hello.
inta badan dadku waxey isticmaalaan Hotmail sidaa awgeed waxaan idinku tusayaa sida loo hello,
laakiin yahoo iyo Gmailna si isku dhow ayey u shaqeynayaan,

Waxa ugu horeeya waa inaad Sign-in Hotmail  aad sameysaa.


Iminka waxaad riixdaa Inboxka falaarta ay kuu tilmaameyso
Ka dibna  Emailka aad dooneysid inaad ogaato meesha uu ka yimid gacant midig mawska ku riix (Right click) ee dooro View Message source.


Waxaa kuu soo baxaya qoraalo isku dhex yaacsan waxa keliya oo aad u baahantahay waa nambarka ku Hor qoran X-Originating - IP: oo ah IP addreeska qofka
Emailka kuu soo diray meesha uu aduunka ka joogo tusaale ahaan IP: 212.102.0.104 

IP addreskaa soo koobi (copy)    Websaytkan fur   http://cqcounter.com/whois/


Meesha ay ku qoran tahay Enter Domain Name or IP Address geli IP Addreskii aad koobiga ku soo sameysay riixna Whois.



Sidaad ku aragtaan sawirka dusha yaala waxaa  soo baxay wixii macluumaad ah, ee IP Addresska, adigoo isla markaana ogaanaya halka uu Emailka ka yimid,Wadanka magaalada magaca iwm.

Wixii macluumaad ah waxaad nagala soo xiriiri kartaan yusuff4u@hotmail.com

No comments:

Post a Comment